Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku guuleystay iney gebi ahaanba burburiyaan Gaari xamuul ah oo Sahay u siday Ciidamada Shisheeye ee ku sugan gobolkaas.
Gaarigan Xamuulka ah ayaa lagu soo waramayaa in Qarax lagula eegtay Deegaanka War-maxan ee gobolka Shabeellaha hoose, iyadoona gebi ahaanba uu halkaas ku burburay.
Ciidamadii saarnaa Gaariga Xamuulka ee la qarxiyay ayaa noqday kuwa dhintay iyo ku dhaawacmay, mana jiro Askari ka badbaaday.
Ciidamada Shisheeyaha ayaa qaati ka taagan isku gudbinta Sahayda iyo Raashiinka, waxaana dhawaan Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose ee dowladda Federaalka uu sheegay in Shisheeyuhu ay dhiigooda u bixinayaan sidii ay biyo iyo baad ku heli lahaayeen.
Gobolka Shabeellaha hoose ayaa kamid ah meelaha sida ugu adag loogu dhiig bixinayo Ciidamada Shisheeyaha, waxaana la xusuustaa weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Golweyn, kaas oo lagu dilay inkabadan 50 Askari oo kasoo jeeda dalka Uganda.