Dagaal qaraar oo dhexmaray ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Maraykan ah oo ay wehlinayaan malleeshiyaad Soomaali ah ayaa maanta ka dhacay deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Deegaanka Buulaguduud ayaa marti geliyay dagaal adag oo in muda ah socday, waxaana dagaalkaas khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Maraykanka ah iyo kuwii la socoday.
Ugu yaraan waxaa la xaqiijiyay in hal gaari oo nooca dagaalka ah lagu gubay dagaalka dhexmaray Mujaahidiinta iyo ciidamada Maraykanka, waxaana la aaminsanyahay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Deegaankan wuxuu dhowr jeer oo hore marti geliyay dagaallo iyo iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Maraykanka, waxaana dagaal kasta oo dhaca jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaara Ameerikaanka.