14- maalmood oo xiriir ah oo ay dadka Muslimiinta ahi difaac kaga jireen afaafka hore ee masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa waxaa maanta guusha ay raacday Muslimiinta, iyadoona ciidamada Yahuudda ay ku guul darreysteen dantii ay lahaayeen.
Maamulka Yahuudda ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray qalabyadii Electronica iyo kaamirooyinkii uu ku xiray Albaabada laga soo galo masjidka barakeysan iyo wadooyinka soo gala masjidka.
Yahuudda oo ku doodayay maalmihii lasoo dhaafay inaan marnaba kaamirooyinkaas laga furi doonin masjidka ayaa markii ay awoodi waayen iney wajahaan Muslimiinta dhegaxyada iyo takbiirta ku dagaalamaya, waxay go’aansadeen iney meesha ka saaraan waxa keenay carada muslimiinta.
Guddiga masjidka Al-Aqsaa ayaa sheegay iney jiraan lajno qaabilsan dhanka dhismaha iyo dayactirka masjidka, taas oo baaritaanno ka wada masjidka, islamarkaana eegeysa iney jiraan kaamirooyin qarsoon oo Yahuuddu masjidka ku xireen iyo in kale, waxaana inta taas laga soo ogaanayo ay Muslimiinta yihiin kuwa weli gudaha u gelin masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa.
Muslimiinta caalamka gaar ahaan kuwa Filastiin ayaa maanta aad u faraxsan, waxaana ay isugu hambalyeynayaan guusha usoo hooyatay muslimiinta iyo jabka Yahuudda.
Maamulka Yahuudda ayaa 14 maalmo kahor wuxuu soo rogay amar ah in kaamirooyin lagu xiro Albaabada laga soo galo masjidka, kadib markii agagaarka masjidka lagu diley labo sarkaal oo katirsan ciidamada booliiska Yahuudda, waxaana tallaabada kaamirooyinka loogu xiray masjidka ka hor yimid Muslimiinta oo diiday iney gudaha u galaan masjidka illa laga fur furo kaamirooyinka, waana mida dhacday kuna guuleysteen Muslimiinta.
Saacadaha soo socoda ayaa la filayaa in kumanaan Muslimiin ah ay gudaha u galaan masjidka kadib marka ay soo dhamaadaan baaritaannada, kuwaas oo Salaad jamaaco ah ku tukan doono Masjidka, haddii ay dhacadana waxay noqoneysaa in labo isbuuc oo kaamil ah kadib uu Masjidka Al-Aqsaa kusoo noqday sidiisii hore.
Allaaaaaaaaaaaahu akbar.
Allaahu akbar ilaahay ayaa mahd leh reer filisdiin karsiiyey inay yuhuuda ka difaacaan masjdul aqsa waxaanan u sheegaya ummadda muslimiinta ee hoganaysa marka yuhuuddu ku tacdido muqadasaad muslimiinta in haddii ay dhiiradaan ilaahay nasriga siinayo.sidaa uu reer filisdiinba uu nasriga u siiyey.