Shantii maalmood ee aynu soo dhaafney, waxay dagaallo xoogan ka socdeen deegaannada dhaca xuduud beenaadka dalka Suuriya iyo Lubnaan, kuwaas oo dhexmarayay ciidamada Mujaahidiinta iyo malleeshiyaadka shiiciga ee ururka Xisbutallaata.
Dagaallada oo ahaa kuwa culus, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa khasaare ba’an lagu gaarsiiyay malleeshiyaadka shiiciga, halka dadka muslimiinta ah ay jiraan waxyeello soo gaartay.
Dagaalka ugu adag waxay ka socodaan galbeedka gobolka Al-Qalamuun iyo dhulka buuraleyda ah ee Carsaal, waxaana dagaallada ka qeyb qaadanaya ciidamada dowladda Lubnaan oo taageero siinaya kuwa shiicada.
Tirakoob ay baahisay wakaaladda Ibaa oo hoostagta hey’adda TaxriiruShaam ayay ku sheegtay in shantii maalmood ee lasoo dhaafay malleeshiyaadka xisbiga laga dilay inkabadna 200 oo askari, halka laga dhaawacay kudhowaad 300 oo Askari, waxaana nolosha looga qabtay hal Askri.
Dhanka gawaarida, waxay Mujaahidiintu gubeen hal taangi, 2 Baldoosar, iyo 3 gawaarida nooca raaxada ah, waxaana sidoo kale Mujaahidiintu dhulka soo dhigeen duyuurad dagaal.
Malleeshiyaadka shiicada iyo ciidamada Lubnaan ayaa duqeymo xad dhaaf ah waxay ku garaaceen kaamam qoxooti oo dadka muslimiinta ee barakacayaasha ay ku noolyihiin, waxaana mujaahidiintu ku hanjabeen in haddii shiicadu joojin waayaan duqeymahaas ay dili doonaan maxaabiis ku jirta gacanta Mujaahidiinta.
xizbu-laata, ar nimanka magocoodii haddaa la helay, mudankooduna waa birtoo laga aslo.