HomeAll newsIndheer Garad Si Kulul Uga Hadlay Dadkii Maatida Ahaa Ee Lagu Dilay...

Indheer Garad Si Kulul Uga Hadlay Dadkii Maatida Ahaa Ee Lagu Dilay Beled-xaawo iyo Halgan. (Dhageyso)

Nabadoon Axmad Cusmaan Cabdi oo kamid ah wax garadka Soomaaliyeed ayaa dareen caro leh ka muujiyay dhacdooyinkii murugada lahaa ee ay shalay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ka geysteen magaalooyinka Beled-xaawo iyo Halgan oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Gedo.

Nabadoonka ayaa waxa uu marka hore ka waramay falkii dilka ahaa ee ay ciidanka Xabashidu Halgan ugu geysteen qof hooyo ah, kuna dhaawaceen gabadheeda oo xaamilo ah. Arrintaas wuxuu ku tilmaamay mid ceeb ku ah ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay iney ka gilgilato gumaadka ay Xabashidu geysanayso.

Sidoo kale waxa uu cambaareyn dusha uga tuuray maamulka Axmad Madoobe oo isna afar arday ku gumaaday degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, falkan oo fulintiisa loo adeegsaday ciidamada Jubbaland ee ka hoos shaqeeya Xabashida Joogta degmadaasi.

Ugu dambeyntii Nabadoonka ayaa waxa uu soo hadal qaaday handadaada ay DF ku billowday ganacsatada magaalada Muqdisho, taasoo uu xusay in loola jeedo sidii loo wiiqi lahaa dhaqaalaha ummada loona baadi lahaa ganacsatada. Wuxuu ku baaqay in ummadu is difaacdo inta goori-goor tahay.

Halkan Ka Dhageyso Nabadoon Axmad Cusmaan Cabdi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular