HomeAll newsCiidamo Ruush ah oo lagu wareejiyay deegaanno dhaca duleedka magaalada Dimishiq.

Ciidamo Ruush ah oo lagu wareejiyay deegaanno dhaca duleedka magaalada Dimishiq.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya waxay sheegayaan in ciidamo booliis ah oo u tababaran sida milliteriga kana socoda dowladda Ruushka lagu wareejiyay deegaannada Quudhada galbeed ee dhaca duleedka magaalada Dimishiq.

Boqolaal Askari oo katirsan ciidamada Ruushka ayaa baro kontorool oo dadka lagu baaro iyo xarumo ciidan ka sameystay deegaannada Quudhada galbeed, waxaana deegaanadan ku sugnaa qaar kamid ah kooxaha mucaaradka Suuriya oo heshiisyo hoose la gaaray nidaamka mujrimka ah ee Bashaar Al-Asad.

Dowladda Ruushka waxay sheegtay in heshiis dhexmaray nidaamka Suuriya iyo mucaaradka ay suurta gelisay in halkaas ay degaan, si looga hortago baaa la yiri in dagaallo iyo iska hor imaadyo ay ka dhacaan deegannadaas oo aad kaabiga ugu haya Dimishiq.

Waxay Ruushku ku faaneen in dadaallo ay sameeyeen iyo wadahadalo dheer ay suuragelisay in labo mandiqad oo istiraatiiji ah laga dhigo meel aamin ah, ayna isku dayi doonaan in dhul hor leh ay gaaraan si loo hakiyo dagaallada.

Todobo sano oo uu socodo kacdoonka Jihaadiga ee Suuriya ayaa waxaa banaanka soo baxaya oo fashilmaya kooxo ku gamban jiray daaha Jihaadka balse haatan xaqiiqdooda la ogaaday, waxaana ay ku qanceen in wadahadallo iyo tanaazulaad ay sameeyaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular