Suldaan Muxamad Gar-yare oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ka faallooda Siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ayaa qiimeyn ku sameeyay filimka ay dhawaan soo saartay mu’asasada Al-kataa’ib garab war-baahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, filimkaasoo loogu magac daray “Duullaanka Keenya – Ka hor & Ka dib Hawlgalka ‘Badbaadi Dalka”
Waxa uu amaanay nooca loo diyaariyay filimka oo ah Infographic laguna soo qaatay diraasaad iyo caddeymo dhab ah oo muujinaya waxa ay Kenya ka macaashtay duullaankii ay Soomaaliya kusoo qaaday sannadkii 2011. Isdaarkan ayaa waxa uu ku tilmaamay mid muujinaya horumarka war-faafineed ee ay ku tallaabsatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo uu ku qiimeeyay iney xataa dowlado badan uga horeyso Iclaamka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in filimku uu xambaarsanaa digniino dhab ah oo ku saabsan masiirka dowladda Kenya, sidaa darteed waxa uu xusay in dowladdaas ay laba go’aan mid uun qaadan doonto. Waa midka kowaade, haddii ay u qoran tahay iney burburto wuxuu tilmaamay iney ku adkeysan doonto duullaankeeda, haddii kalana ay dalka isaga bixi doonto.
Halkan Ka Dhageyso Suldaan Maxamad Garyare Filimki Al-kata’ib