HomeAll newsDe-deg: Dagaal ka socoda magaalada Jalalqsi ee Hiiraan.

De-deg: Dagaal ka socoda magaalada Jalalqsi ee Hiiraan.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday Fariisimiyaal magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay ku leeyihiin ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah duulaanka AMISOM.

Dagaalka ayaa ah mid xoogan, islamarkaan laga maqlayo xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay iney arkayaan holaca rasaasta ay is dhaafsanayaan labada dhinac, islamarkaan ay xaaladu tahay mid adag.

Dagaalyahannada Mujaahidiinta ayaa garneelada garbaha laga tuuro ku garaacaya dhufeysada ciidamada Jabuuti, waxaana hubaal ah in khasaare uu jiro.

Wixii kusoo kordha wararkeena dambe ayaan kusoo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular