Iyadoo weeraradii shalay ka dhacay dalka Biljimka islamarkaana khasaaraha xoogan lagu gaarsiiyey Xukuumadda Biljimka uu wali taagan yahay saameyntiisa ayaa waxaa weeraradaas aad u cambaarayay dowladaha Caalamka.
Bayana wada jir ah oo kasoo baxay midowga Yurub ayaa lagu cambaarayay weeraradii shalay, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa weerar lagu soo qaaday mujtamaca Yurub oo ay ku tilmaameen mid Dimuqraadi oo fur furan.
Midowga Yurub waxay sheegeen iney garab taagan yihiin dowladda Biljimka iyo shacabkeeda, islamarkaana maalinta barito ay qaban doonaan kulan deg deg ah oo uu isugu imaanayo Golaha Midowga Yurub, islamarkaana looga hadlayo qaabka loo wajihi karo weeraro kale iyo wixii ka dhacay shalay dallka Biljimka.
Dhanka kale dowladaha Mareykanka iyo kuwa Yurubta ayaa muwaadiniintooda uga digay iney u safraan dalka Biljimka gaar ahaan magaala madaxda Brocsel oo maalintii shalay weeraradu ka dhaceen.
Warbaahinta Blijimka iyo Xukuumadooda ayaa sheegeysa in weeraradii shalay lagu dilay 34 Ruux, halka 136 Ruuxna dhaawc yihiin, balse waxaa warkaas mid ka gedisan sheegay dowaldda Islaamiga ah oo ka dambeysa weerarkan, waxaana war kooban oo wakaaladda Acmaaq ay baahisay lagu sheegay in Mujaahidiintu weerarka ku dileen 230 Ruux, halka dhaawacyadu farabadan yihiin.
Xaalad deg deg ah ayaa saaran dalka Biljimka gaar ahaan caasimadda, waxaana saacad kasta la filan karaa in weeraro hor leh dhacaan, iyadoona uu xiranyahya garoonka.
Ciidamo aad u farabadan ayaa lagu arkayaa hareeraha wadooyinka iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan, waxaana dhegta ay u taagan tahay muwaadiniinta Reer galbeed kuwaas oo mid waliba filanayo in markooda ay weerar la kulmaan.