Silsilado weeraro ah oo aad u xoogan ayaa maanta oo Talaado ah waxay ka dhaceen magaalada Barassales caasimadda wadanka Biljmijka.
Weeraradan oo ahaa Qaraxyo xoogan ayaa labo kamid ah waxay ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaala madaxda Biljimka ee Brassles, halka kan saddexaad uu ka dhacay boosteejo laga raaco Tareenada dhulka hoostiisa mara oo ku taala isla Caasimadda.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Qaraxyada ka dhacay Garoonka ay ahaayeen kuwa aad u xoogan, islamarkaana gudaha Garoonka ay si toos ah uga dhaceen, waxaana mid kamid ah uu ka dhacay goob ay ku taallo Shirkad lagu magacaabo American Airweys oo muwaadiniinta Mareykanku ka jartaan Fiisaha Safarka.
Dad goob joogayaal ahaa xilliga weeraradan ka dhacayaan Garoonka ayaa sheegay iney maqlayeen Rasaas xoogan oo la is dhaafsanayo, lamana oga cida is weydaarstay, waxaana sidoo kale la maqli karaayay qaylo dhaan ka imaaneysa dad u muuqday iney dhaawac yihiin.
Khasaaraha ka dhashey weeraradan ayaa Tvga iyo Raadiyaha Biljimka waxa uu ku sheegay dhimasahada Tobanaan Ruux, halka dhaawucuna 30 kalena ay dhaawac yihiin.
Silsiladaha Weeraradan ayaa imaanaya maalmo kadib markii Xukuumadda Biljimka ay sheegtay iney gacanta ku dhigtay Saalax Cabdi Salaam oo ay ku eedayeen inuu kamid ahaa raggii wax ka abaabulay weeraradii ka dhacay dalka Faransiiska, kaas oo lagu dilay inkabadan 100 Ruux oo Caddaan ah.