Habeen hore Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsanaa dowladda federaalka ah kuwaasoo ku sugnaa deegaanka laanta buuro ee hoos taga degmada afgooye waxaanay shaacisay halkaa ay ku dhishay 73 ka mid ahaa.
Waxay soo bandhigtay sawiro muujinaya sagaal gaari iyo hub ay dagaalka kufuratay tasoo ka marqaati kacday in jab xoog leh la gaarsiiyay dowladda federaalka ah.
Hadaba Saraakiishii hore ee Soomaaliya sideebay u arkaan tilaabadaan ciidanka Soomaalida ah lagu laayay.
Shariif shaacir oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii cirka Soomaaliya xiligii Maxamed Siyaad Barre Dalka maamulayay ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan wuxuu ku sheegay in ciidanka dowladda federaalka ah iyo kuwa la mid ahu yihiin shaqaale u adeega maraykanka iyo Itoobiya.
Wuxuu tilmaamay in aanay dan soomaaliyeed ka shaqeynayn ee ay danaha shisheeye ku howlan yihiin kol haday sidaas tahayna ay mudan yihiin in dhegta dhiigga loo daro.
Shariif shaacir ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay jabka ka dhacay laanta buuro ee dowladda xasan sheekh gaaray.