Soomaaliya waxaa karaama riday siyaasiyiin ku daaban shisheeyaha oo daneystayaal ah waxaana meesha ka baxay qabkii ay lahayd ee gumeysi diidka ahaa welow ay jiraan dad badan oo weli aan ogolaan in heeryada shisheeye lagu tiiriyo.
Aqoon yahan Suldaan Maxamed Garyare oo ay wareysatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ayaa sheegaya in Soomaalidu ahaa jirtay dad sharaf iyo qaymo leh laakiin ay haataan ka raarideen kuwo maskaxda laga dhaqay oo lagu shubay aragtida ama fikradda shisheeyaha.
Wuxuu Soomaalida kula taliyay in ay Allaah u towba keenaan oo ay ka cafis dalbaan kana haraan kuwa dhibaatada u horseedaya.