Diiradda Jimcaha waa todobaadle maanta oo kale ka baxa war-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaa lagu soo qaataa mowduuc muhiim ah oo markaasi taagan, iyadoo lagu marti qaado dad aqoon u leh mowduucaas, waxaana maanta ka qeyb galay Sheekh Nuur Mucallim Cabdiraxmaan oo kamid ah culimada diinta islaamka.
Mowduuca barnaamija waa mid muhiimad gaar ah xambaarsan, waa QUR’AANKA IYO RAMADAANKA.