Gaari noociisu yahay Cabdi Bile ayaa dowladda Kenya looga gubay nawaaxiga degmada Mandheera kaasoo qeyb ka ahaa kolonyo galbineysay gudoomiyaha degmadas Rogo.
Gaarigan ayaa waxaa lala beegsaday qarax aad u culus, inta la og yahayna waxaa burburay gaariga halka inta badan askartii saarnayd ay ku dhimatay, laakin dowladda Kenya ayaa dhankeeda qirsan in 5 askari ay uga dhinteen qaraxan.
Sidoo kale waxaa saaka nawaaxiga Liboy looga gubay gaari noociisu yahay Koyal oo ay saarnaayeen saraakiil, waxaana uga dhintay shan sarkaal, walow ay dowladda Kenya sheegtay in sadax looga dilay.
Sawirro laga soo qaaday gaariga la qarxiyay ayaa waxaa laga dareemayay i si gaar ah miinada loogu beegsaday halka ay fadhiyeen saraakiisha, waxaana ag yaalla qaar kamid ah meydadkooda.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii hore, balse gaariga galabta laga gubay ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad ee saacado gudahood lagu beegsado dhulka NFD.