Doorasho ka dhacday dalka Kuuriyada Koonfureed ayay shacabka dalkaasi ku doorteen madaxweyne cusub, kadib markii madaxweynihii hore lagu helay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin.
Madaxweynaha la doortay oo lagu magacaabo Moon Jaay oo u tartamayay xisbiga Dimuqraadiga ee dhanka bidix ayaa helay codad gaaraya 41.4%, waxaana Natiijada doorasadaha lagu dhawaaqay maanta oo Arbaco ah.
Madaxweynaha cusub ayaa khdubadii ugu horeysay ee uu jeediyay wuxuu ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu booqdo dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo xitaa kuuriyada Wuqooyi ee ay deriska yihiin, isagoona sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafaadka taagan.
Shiinaha oo mucaaradsan tallaabo uu Maraykanku ku doonayo in sawaarikhda difaaca uu ku rakibo kuuriyada Koonfureed ayaa qoraal hambalyo ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay iney soo dhaweynayaan madaxweynaha cusub ayna ku hanweynyihiin in la xalliyo is fahan darida.