Marka la joogo yurub iyo maraykan shaqooyinka heerka sareeya looma ogola dadka muslimiint ah hadii ay dhacdo in qofku shaqo helana waxay u badan tahay in aanuu lacag xalaal ah qaadan sababtoo ah waxaa laga shaqeeyaa mararka qaar meelo qamriga iyo hilibka qaansiirku badeecada la gedayo ka mid yihiin.
Kuwa tagsiyada kaxeeya ayina waxay qaadaan rag iyo dumar ku kacaya wax aan allaah raali ka ahayn taasoo xaaraan ka dhigeysa lacagta ay qaataan.
Sheekh Xasan Maxamuud Takar oo muddo ku noolaa qaaradda yurub ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in Soomaalida dhibaatooyin badan halkaa ku haystaan.
Waxa uu sheekhu ka sheekeeyay waxyaabo badan oo qofkii iimaan leh ku qasbi kara in uu wadamada reer galbeedka ka soo tago.