Wararka naga soo gaaraya gobalka shabeelaha Hoose ee kusoo dhacay warqabadka idaacadda Alfurqaan ayaa ku waramaya in qarax xoogan maanta uu ka dhacay duleedka Deegaanka Shalaanbood ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Miino lagu aasay goob ay fariisan jireen saraakiil iyo Askar katirsan Dowladda ayaa ka dhacday deegaanka Kabtan Laas ee Shabeelaha Hoose.
Afar Askari oo lamid ah ay ahaayeen Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda ayaa ku dhintay Qaraxaasi.
Cali Haameey oo ahaa Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Aaga Kabtan Laas iyo Ku xigeenkiisii Shiine Mahdar ayaa ku dhintay qaraxa.
Mas’uuliyada qaraxaasi waxaa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal adag kula jirta Ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda Farmaajo.
Wali wax war ah kama soo bixin dowladda oo ku aadan qaraxa maanta lagu laayay afar askari oo katirsanaa Ciidamadooda.