Diyaaradaha Taxaalufka Reer galbeedka ayaa duqeymo aan loo aabe yeelin waxay ka fuliyeen magaalada Muusil oo ah caasimadda gobolka Neynawaa ee dalka Ciraaq.
Duqeymaha oo gaaraya illaa 25 duqeyn ayaa Diyaaradaha Taxaalufku waxay ka fuliyeen xaafado kala duwan oo katirsan magaalada, kuwaas oo ay ku badnaayeen dadka shacabka ah.
Sida ay sheegtay wakaaladda Acmaaq oo ku dhow dowladda Islaamiga ah, 12 Ruux ayaa ku shahiiday duqeynta halka ay ku dhaawacmeen illa 103 Ruux, waxaana la dhigay Cisbitaalka weynee magaalada Muusil.
Diyaaradaha Taxaalufka ayaa sii xoojiyey duqeymaha lagu beegsanayo goobaha dadka Shacbka ah deganyihiin ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxaana duqeyn tan lamid ah ay ka dhacday magaalada Raqqa ee dalka Suuriya taas oo iyaduna ku baaba’een dad maati ah oo aan waxba galabsan.