Weerar hubeysan oo maalintii shalay ka dhacay gobolka Siinaa ayaa lagu laayay Ciidamo katirsan Booliiska Xukuumadda Afgembiga Masaarida, kuwaas oo ku sugnaa bar Kontrool oo la weeraray.
Dagaalyahano katirsan Mujaahidiinta Wilaayada Siinaa ayaa weerarka fuliyey, waxaana uu ahaa mid aad u xoogan marka loo barbardhigo howlgallada dhawaanahan ka dhacayay gobolka Siinaa.
Barta Kontrool ee la weeraray oo ku taalla koonfurta magaalada Al-Cariish ayaa waxaa lagu soo waramayaa in khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay Ciidamada Booliiska.
Inta haatan la hubo waxaa weerarkaas ku dhintay 13 Askari oo Booliis ah, halka tiro kalana ay jiifaan Cisbitaallada magaalada Al-Cariish.
Wilaayada Siinaa oo ah farac katirsan dowladda Islaamiga ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, mana jiro dhanka kale war kasoo baxay Xukuumadda Masaarida oo ku aadan weerarkan.