Majalladda Al-Sumuud ee ku hadasha Afka Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan ayaa cadadkeeda soo baxay bishan Rajab, kusoo gudbisay Tirakoob rasmi ah oo ku aadan khasaaraha tobankii sano ee lasoo dhaafay dalka afganistaan ku gaaray ciidamada Shisheeye iyo kuwa Xukuumadda Kaabul.
Tirakoobkan oo muujinaya in mujaahidiintu duruus adag u dhigeen shisheeyaha, ayaa u diyaarsan hab wanaagsan oo waliba taariikheysan, iyadoo laga soo billaabay bishii Muxaram ee sanadkii 1427 oo waafaqsan 2006, wuxuuna ku eg yahay biisha Jamaadul Aakhir ee sanadka 1438 hijriyada oo ku beegan sanadkan 2017.
Hadaba tirakoobka rasmiga ah ee Majalladu soo gudbisay ayaa waxa kale oo xitaa ku jira cadadka mujaahidiinta uga shahiiday howlgalladaas dhacay inta u dhexeysay 2006 illaa 2017.
Tirakoobka guud ee howlgallada dhacay waa 103,927 hawl gal oo isugu jira camaliyaad istish-haadi ah, weeraro toos ah , qaraxyo iyo noocyada kala duwan ee weerarada milatariga.
Haddaanu ku hormarno gaadiidka ay mujaahidiintu gubeen gaar ahaan kuwa cirka, waxay gaarayaan 551 oo ah noocyada kala duwan ee diyaaradaha ay adeegsadaan Shisheeyaha kuwaasoo dhammaantood lagu soo riday dalka Afqaanistaan.
Hadaan eego gaadiidka dhulka waxaa sida war bixintu sheegtay shisheeyaha iyo ciidamada Kabul laga gubay 50,733 gaari oo ah noocyada dagaalka.
Mujaahidiintu waxa kale oo ay taqriirkooda kusoo gudbiyeen inta ay gaarayaan weerarada naf hurnimada ah tobankii sannadood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo ah 1,075.
Ciidamada xukuumadda maqaar saarka ah ee Kabul, waxaa laga dilay askar gaareysa 155,080 oo askari, iyadoo dhaawacooduna uu gaaray 97,631.
Shisheeyaha oo ka kooban jinsiyado kala duwan oo Mareykan u badan, waxaa iyagana laga dilay 48,152 askari, halka laga dhaawacay 32,010 askari.
Dhanka kale majalladda Al-Sumuud, ayaa waxay sidoo kale soo bandhigtay tirade shuhadada, dhaawacyada iyo wax yeelooyinka maadiga ah ee soo gaaray mujaahidiinta, mudada ay war bixintu ku wareegeyso oo ah tobankii sano ee lasoo dhaafay.
Gaadiidka mujaahidiinta laga gubay ayaa waxa uu gaarayaa 1246 gaari kuwaasoo marka loo barbar dhigo kuwa shisheeyaha laga gubay aad uga yar.
Shuhadadu waa 11,974, halka dhaawucuna uu yahay 13,261 Mujaahid, tani waxa ay ku tuseysaa sida uu Allaah ugu gargaaray mujaahidiinta, waayo aad bey wax yeeladoodu uga yar tahay tan shisheeyaha, iyadoo waliba laga tiro badan yahay, maadi ahaana laga hub iyo qalab badan yahay.
Tirakoobkan ay soo saartay Majallada Al-Sumuud ayaa muujinaya culeyska shisheeyaha ku heysta wadanka muslimka ah ee Afganistaan, tanina waxay farriin u tahay guud ahaan Muslimiinta dalalkooda ay Shisheeyahu qabsaday, farriintaas oo tuseysa in la iska dhicin karo gumeystaha, awood kasta oo uu leeyahay.
Afqaanistaan, waxaa lagu tilmaamaa dal faqri ah, iyadoo ay sidaas tahayna waxaa Imaarada Islaamiga iyo Shacabkeeda oo iskaashanaya ay ku guuleysteen tobanki sano ee lasoo dhaafay in ey tallaabo adag ka qaadaan shisheeyaha, waxaana hubaal ah in ciidanka Maraykanka ee ku haray dalkaas iyo xulufadiisuba aaney kusii sabri karin jaxiimada Afqaanistaan tobanka sano oo soo socota.
Allaahu akbar ,ilaahay mujaahidiinta ha gargaaro .
Allahu akbar alle ayaa mahadle
Galada allaha ku ciqaabo gacmaha mujaahidiinta
Insha allh
والعاقبة للمتقين
Way dhammaatey gaalo
Waa naf xarbigii ugu danbeeyey insha allh
waa اللهم انصرالمها جا هدين في سبيلك في كل مكان وفي الصومال