Kolonyo katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa la kulmay weerar Jidgal oo markii dambe isku bedelay dagaal toos ah kaas oo uga yimid dhanka ciiidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee la kulmay dagaalka waxay kasoo baxeen magaalada Dhuusamareeb, iyagoona kusii jeeda magaalada Ceelbuur, waxaana dagaal uu qabsaday mar ay marayeen deegaan lagu magacaabo Ceel-Lahelay oo u dhexeeya Dhuusamareeb yo Ceelbuur.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Ciidamada Itoobiya hadana waxaa lasoo sheegayaa iney la kulmeen dagaallo aad u culus oo soo gaaray illaa iyo caawa, waxaana haatan la ogeyn halka rasmiga ah ee Itoobiyaanku ku suganyihiin isgaarsiinta deegaanadaas oo ah mid liidata.
Ciidamada Itoobiya oo ah kuw aad u daalan ayaa ka baqaya iney ku dhacaan weearar horleh, waxaana lasheegayaa in ciidamadan ay ku wajahanyihiin Ceelbuur oo lasheegayo in ciidamada Itoobiya ay doonayaan iney kabaxaan.