HomeAll newsSarkaal Iiraani ah oo La La'sanaa oo Meydkiisa Laga Heley Lubnaan.

Sarkaal Iiraani ah oo La La’sanaa oo Meydkiisa Laga Heley Lubnaan.

Cabbaas Nilfurshaan  oo ahaa ganaraal ciidan islamrkaana kamid ahaa hogaamiyaaasha ugu sarreeya guutada ciidan ee loo bixiyay Al-Qudus oo katirsan Iiraan, ayaa la waayay raq iyo ruux, kadib dilkii Xasan Nasrullaah.

In muddo ah oo la baadigoobayay waxay maalintii shalay dowladda Shiicada ah ee Iiraan ku dhawaaqaday in dadaallo xiriir ah oo la sameeyay kadib la helay meydkiisa, waxay tilmaamtay in dib loogu celinayo meydkiisa wadanka Iiraan.

Ganaraalkan shiiciga ah ayaa sido kale maamulayay howlgallada xukuumadda Shiicada ah ay ka fuliso meelaha ka baxsan wadankeeda, wuxuuna xilliga la dilayay ku sugnaa wadanka Lubanaan.

Xasan Narullaah hogaamiyihii Shiiciga ahaa ee ay 27-dii Septemper dishay Yahuudda, ayuu ninkani goob kula sugnaa, waana midda keentay in mudada intan la eg la garanwaayo halku uu ku dambeeyay.

Ganaraalkan katirsanaa ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa muhiim u ahaa dowladda Shiicda ah, wuxuuna ku jiray saraakiisheeda sarsare ee ugu da’da weyn.

Guutada ay ku magacaabaan Al-Qudus ee uu ninkani hogaamiyaasheeda kamid ahaa, ayaa ah ciidamo hoostaga xukuumadda Shiicda ah ee Iiraan ee ku sugan wadanka Lubanaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular