HomeAll newsMaraykanka oo Eedeyn u Jeediyay Sirdoonka Dalka Hindiya.

Maraykanka oo Eedeyn u Jeediyay Sirdoonka Dalka Hindiya.

Waxa loogu yeero wasaaradda cadaaladda ee dowladda Mareykanka ayaa sheegtay, iney heyso cadeymo muujinaya ku lug lahaanshiyaha xubin katirsan waaxda Sirdoonka Hindiya, ee isku day oo lagu doonayay in lagu khaarajiyo mid kamid ah hogaamiyayaasha qolyaha SIikha Hinduuska ee ku nool Mareykanka.

Waxa ay wasaaraddu sheegtay in sarkaalkaan katirsan Sirdoonka Hindiya loosoo jeediyay eedeymo ku aadan ku lug lahaanshiyiisa qorsheynta weerarka khaarajinta ah ee lala damacsanaaa hogaamiyaha Hinsuuska ah oo musaafur ku ahaa Mareykanka.

Masuulkaan katirsan Sirdoonka Hindiya ayuu horay sidaan oo kale Mareykanku ugu eedeeyay inuu ku lug leeyahay dilal loo geystay hogaamiyayaal Hinduus ah.

Wasiirka wasaaradda waxa loogu yeero cadaaladda ee Dowladda Mareykanka ayaa sheegay, iney beegsan doonaan cid waliba oo isku dayda dhibaateynta muwaadiniinta Amerikanka ah sida uu hadalka udhigay.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo isniintii lasoo dhaafay ay dowladda Canada ceyrisay, dibslimaasiyiin udhashay dalka Hindiya oo ay ku eedeysay iney maleegayeen dilka hogaamiye kamid ah qolyaha Siikha Hinduuska ah ee ku nool dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular