Fatahaadda Wabiga Shabeelle ayaa kala jartay isku socodka degaanno hoosyimaada degmada Jowhar ee gobalka Sh-dhexe.
Waxaa kasii dareysa xaaladda ka taagan degaanno katirsan gobalka Sh-dhexe, halkaas oo mudooyinkii lasoo daafay uu qeybo kamid ah gobalka fatahaad ka waday wabiga Shabeelle.
Wararka ka imaanaya degaanno hoosyimaada magaalada Jowhar ee xarunta goblkaas ayaa sheegaya, in arrintaani ay xaalad adag ku yeelatay dadka, waxaana gabi ahaan go’doon galay 4 tuulo oo hoosyimaado Jowhar.
Waxaa sidoo kale qiimaha maciishadda, maadaama ay istaageen badeecadihii tagi jiray degaannada, halka tacabkii beerahana ay fatahaaduhu baabi’iyeen.
Halkaan ka Degso Warka Fatahaadda