HomeAll newsRuushka oo Duqeymo uu ka Geystay Ukraine ku Dilay in ka Badan...

Ruushka oo Duqeymo uu ka Geystay Ukraine ku Dilay in ka Badan 10 Ruux.(Warbixin)

Dalka Ukraine waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay kusii xoogeysanaya duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha dagaaalka ee dowladda Ruushka, kuwaas oo beegsanaya ciidamada xukuumadda Kiev iyo dadka shacabka ah intaba.

Duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha dalka Ukraine ayaa lasoo warinayaa iney ku dhinteen in ka badan 10 ruux, duqeymahaaas oo uu Ruushku la beegsaday xarumo ganacsi, xilli duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Ukraine oo ka dhacday Koonfurta Ruushka iyadana lagu dilay 4 ruux.

Masuuliyiin maxalli ah ayaaa xaqiijiyay in ugu yaraan 11 ruux lagu dilay tobannaaan kalena lagu dhaawacay, duqeymo ay diyaaradaha xukuumadda Moscow la beegsadeen xarun ganacsi oo aad usaxmad badan iyo guryo ay dad rayid ah leeyihiin oo ku yaalla magaalada Kharkiv oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka Ukraine.

Gudoomiyaha magaalada ayaa sheegay, in 2 gantaal lagu dhuftay xaruntaan ganaci oo lagu iibiyo agabyo kala duwan, islamarkaana ay sababtay dhimashada 11 ruux iyo dhaawaca 40 kale.

Xilligii ay duqeynta dhaceysay ayuu gudoomiyaha sheegay iney goobta ku sugnaayeen ku dhawaad 120 ruux, isagoo intaa raaciyay in duqeyntu ay sababtay burbur xooggan oo soo gaaray xaarunta iyo guryo ka agdhawaa, iyadoona dab xooggan uu ka kacay dhismahaan loosoo dukaameysi tago.

Usbuucii lasoo dhaafay waxa ay magaaladaan marti galisay koror xagga weerarada ah, kadib markii ay ciidamada Ruushka soo iqtixaameen xuduudda, islamarkaana aag dagaal oo cusub ay ka fureen woqooyiga magaalada.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka codsaday xulafada reer galbeedka ee Ukraine inay gacan ka geystaan xoojinta difaaca hawada si loo ilaaliyo ammaanka magaalooyinka dalka Ukraine.

Habeennimadii Sabtida ee lasoo dhaafay magaalada Kharkiv ayaa marti galisay weerar duqeyn ah, kaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraaan 18 ruux, waxaana goobaha la duqeeyay kamid ah xafiiska boostada ee magaaalada, goob timaha lagu jarto iyo kafateeri, sida uu sheegay duqa magaaladaas.

Uqaabilsanaha Hey’adda waxa loogu yeero caafimaadka adduunka ee dalka Ukraine ayaa shaaca ka qaaday, in dagaallada culus ee labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay sababeen barakaca ugu yaraan 14,000 oo ruux, kuwaas oo isaga qaxay magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine.

Ruushka ayaa had iyo jeer duqeymo ka geysta magaalada Kharkiv oo qiyaastii 30 KM u jirta xuduudka dalkaas tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu duullaankaa ku qaaday dalka Ukraine, waxaana isku day fashilmay oo ay ciidamadiisu ku doonayeen iney ku qabsadaan magaalada ay sameeyeen sannadkii 2022-ka, kuwaas oo ka laabtay xuduudda Kharkiv.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular