Kulan wadatashi ah oo ay sheesheen madaxda iyo saraakiisha xukuumadda Burkinafaso, islamarkaana ka dhacay caasimadda dalkaas ayaa lagu go’aamiyay, in muddo 5 sano ah loo kordhiyo millatariga afgabmiga kula wareegay talada dalkaas ee uu hogaamiyo Ibraahim Taraawri.
Korneyl Muusa Diyaalo oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Wada-tashiga Qaran ee Burkinafaso ayaa sheegay, in golaha millatariga loo kordhiyay muddo 60 bilood ah, taaas oo ka billaabaneysa 2-da bisha July ee sannadkaan 2024-ka.
Qoraalka heshiiskaan ayaa sidoo kale lagu xusay, in la qaban karo doorashooyin marka lagaaro marxaladda dhammaadka mudada 5-ta sano ah ee loogu kordhiyay golaha millatariga, waa haddii uu arrinkaasi saamaxo wadciga amni ee ka jira gudaha dalka Burkinafaso.
Waxa uu korneylkaan intaasi ku daray in Ibraahim Taraawri hadda laga badalay madaxweyne kumeel gaar ah, loona beddelay madaxweynaha Burkinafaso, islamarkaana uu sidoo kale wood u yeelan doona inuu ka qayb galo doorashooyinka madaxtinimada, sharci-dejinta iyo dawladaha hoose ee la qaban doono dhammaadka marxaladdan.
Heshiiskaan oo uu qalinka ku duugay madaxa golaha millatariga ee Inqilaabka kula wareegay talada Burkinafaso ninka lagu magacaabo Ibraahim Tawaawri ayaa noqonaya mid islamarkiiba dhaqan galaya.
Wada-hadalladan qaran ayaa waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo ciidamada millatariga iyo kuwa amniga, sidoo kale waxaa goob joog ahaa wakiillada golaha kumeelgaarka ah, waxaana qaadacay inta badan xisbiyada siyaasadda ee dalkaas, ujeedka heshiiskaaan ayaan ahaa in la sameeyo khariidad dib loogu soo celinayo xukunka rayidka ah dalkaaan dhaca galbeedka qaaradda Africa.
Waxaa xusid mudan in golaha millatariga ee Burkinafaso ee uu hogaamiyo Taraawri ay talada dalka kula wareegeen afgambi millatari bishii September ee sannadkii 2022-ka, kolkaas oo ay xilka ka tooreen Paul Henri oo isagana 8 bilood kahor xukunkiisa afgambi kula wareegay dalkaas.
Tan iyo sannadkii 2015-ka waxaa dalka Burkinafaso uu marti galinaayaa mowjado dagaallo iyo weeraro ah oo ay geyesanayaan jihooyin kala duwan, kuwaas oo sababay dhimashada kumannaan kamid ah askarta xukuumaadda Burkinafaso iyo dad rayid ah, halka ay ku barakaceen ku dhawaad 2 milyan oo ruux.
Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa dalkaaan kawada weeraro ay dhiig badani ku daateen, kuwaas oo lagu laayay kumannaan katirsan xukuumadda, waxaana weeraradii ugu dhiig daadasha badnaa kamid ah mid dhacay waxyar un kadib markii uu talada qabtay Ibraahim Tawaawri, kaaas oo lagu dilay in ka badan 100 askari, laguna gubay tobannaan gaadiid ah.