Rohingiya waa aqalliyad tiro yar oo muslimiin ah, kuna nool dalka Baarma ee qaaradda Aasiya, waxay sanadihii ugu dambeeyay qomwiyadan wajaheysaa dhibaatooyin kala duwan oo uga imaanaya Buudiyiinta ku xoogan dalkaas ee Islaam naceybka maankooda degay.
Kumanaan ruux oo kasoo jeeda qomwiyadan ayaa safaro ay noloshooda kula baxsanayaan ku tagay dalalka deriska ah, halkaas oo ay ku heysato xaalad aan wax badan dhaamin tii ku heystay dhulkooda, marka laga hadlayo jaanibka nolosha.
Doomo aan sidaasi u xooganeyn ayay dadkani kaga soo baxsadaan Baarma, iyagoo soo aada wadamo ay kamid yihiin Bangaladesh, Indonesia iyo kuwa kale oo dhaca qaaradda Aaasiya, tanina waxay keentaa in marar badan ay doomuhu ku qallibmaan bartamaha badaha iyo harooyinka, sidaasina noloshooda ku waayaan.
Dhawaan doon nooca kalluumeysiga ah oo ay saarnaayeen tobanaan ruux oo kasoo baxsaday dalka Baarma ayaa qallibantay, waxaana halkaas ku dhintay dadkii saarnaa, dhacdadan ayaana markale toosha ku ifisay ma’saatka aan xisaabta lahayn ee ay wajahayaan walaalaheena muslimiinta Rohingiya.
Wakaaladda wararka ee AP ayaa warbixin ay ka qortay dhacdadan waxay ku wareystay qaar kamid ah dadkii tirada yaraa ee ka badbaaday doonta qalibantay, waxayna saxaafadda u sheegeen iney la kulmeen tacadiyaad badan, iyagoo muujiyay suurogalnimada in doonta si ula kac ah dadka looga daadiyay, si ay biyaha ugu qarqoomaan oo ay u dhintaan.
Halkaan ka Dhageyso Warbixin Muslimiinta Rohingiya ee Safarrada Tahriibka ee halista