Mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab ayaa baahisay maqaal uu qoray xubin katirsan Al-Qaacida oo lagu magacaabo Saalim Ash-Shariif, kaasoo ciwaan looga dhigay “ Dagaalka Qazza waa mid jiritaan ee maahan mid xuduudeed”.
Maqaalka oo dhinacyo badan taabanaya ayaa soo bandhigaya xaqiiqooyin ku saabsan Sahaayinada Yahuudda ah ee bishii todobaad oo xiriir ah gumaad iyo xasuuq ku haya muslimiinta Qazza ee ay khudlaamiyeen walaalahooda ku diinka ah.
“ Sahyuuniyaddu waa halista ugu weyn ee maanta heysata basharka, wayna ka halis badantahya Tataarka, Naaziyada iyo Hinduuska, waxaana lagu tilmaami karaa iney tahay halistii ugu weyneed taariikhda ee basharka soo marta. Waxay Sahyuuniyaddu bedeshey fidhradii uu Allaah ku abuuray aadanaha, iyadoo ka dhigtay dadka kuwa adoomo u ah Sheydaanka” ayuu leeyahay qoraaga maqaalkan ay baahisay mu’assasada warbaahineed ee As-Saxaab.
Inkastoo cadowga koowaad ee Yahuuddu leeyihiin ay yihiin muslimiinta, hadana qoraagu wuxuu tilmaamayaa in haddii ay ku guuleystaan gumaadka muslimiinta ay Sahaayinidu birta ka asli doonaan cid weliba oo aan iyada hoos imaan, gaar ahaan Buudiyiinta iyo Hinduuska, isagoona intaa ku daray in xurgufta siyaasadeed iyo mida dhaqaale ee hadda dhexmareysa ay billow u tahay siraaca milliteri ee lama huraanka ah inuu dhexmaro dhinacyadaas.
Halkaan ka Dhageyso Warbixin Maqaal Dagaalka Qazza Waa Mid Jiritaan Mu’assasada As-Saxaab.mp3