HomeUncategorizedDagaallo ka dhacay shabeellaha Hoose,Bay iyo Bakool.

Dagaallo ka dhacay shabeellaha Hoose,Bay iyo Bakool.

Dagaallo ay qaadeen dagaal yahanno katirsan xarakada Alshabaab ayaa xalay ka dhacay magaalooyin katirsan goballada Bay,Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidanka Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Lama helin faafaahin ku saabsan dagaalka

Shabeelada hoose.

Ciidamada Alshabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Atmis ay ku leeyihiin garoonka degmada Baraawe.

Sidoo kale Shabeellaha hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu xalay dagaal culus ku qaadeen xerada Ciidamada Atmis ee deegaanka Buur-colow oo hoostaga degmada Baraawe.

Baay.

Ciidamada Alshabaab meelaha xalay ee weerareen waxaa kamid ahaa saldhiga Ciidamada maamulka Koonfur galbeed ku leeyihiin  Makuudo ee magaalada Baydhabo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular