Hey’adda dhaqaatiirta aan xuduudda laheyn ayaa shaaca ka qaaday khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay magaalada Al-Faashar ee caasimadda gobalka Woqooyi ee Daarfuur ku dhexmaray millatariga Suudaan iyo maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah.
134 ruux ayay hey’addu sheegtay iney ku dhinteen dagaalladaan maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada, xilli madax ka socota xukuumadda Khartuum ay tageen dalalka Eretrea iyo Iiraan, kuwaas oo sheegay iney raadinayaan xal laga gaaro colaadda Suudaan.
Hey’addu waxa ay tilmaamtay in mid kamid ah howl-wadeennadeeda lagu dilay duqeymo xooggan oo ka dhacay magaalada Al-Faashar, si gaar ah suuq ku yaalla magaalada, waxaana gantaal uu ku dhacay guriga uu daganaa ninkaan ushaqeynayay hey’adda.
Waxa ay intaasi ku dartay in wasaaradda caafimaadka ee Suudaan ay ka caawiyeen in gurmad caafimaad uu isbitaalka magaalada ufudiyo illaa 979 ruux oo ku dhaawacmay dagaallada wax ka badan 2 isbuuc ka soconaya magaalada Al-Faashar ee dalka Suudaan.
Sidoo kale Wafdi ka scoda ka xukuumadda Khartuum ayaa ka degay caasimadda dalka Eretrea, iyagoona kulamo la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa dalkaas.
Madaxweynaha Eritrea ayaa taageero umuujiyay dowladda Suudaan kadib kulan uu magaalada Asmara kula yeeshay Maalik Caqaar oo kamid ah guddiga talada haya ee Suudaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa isana magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan kula kulmay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee nidaamka Shiiciga ah ninka lagu magacaabo Maxamed Mukhbir.
Waxa ay kawada hadleen sidii loo joojin lahaa colaadda ka taagan dalka Suudaan, islamarkaana dib loogu soo celin lahaa nabadgalyo, arrinkaas oo uu horay usheegay hogaamiyaha Suudaan ineysan dhici doonin illaa laga adkaado Maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah.