HomeAll newsXuuthiyiinta oo Xiray Masjid ku Yaalla Sancaa, Kadib Markii ay Imaamka ku...

Xuuthiyiinta oo Xiray Masjid ku Yaalla Sancaa, Kadib Markii ay Imaamka ku Qabsadeen Arrin Yaab Leh.

Wararka ka imaanaya dalka Yeman ayaa ku waramaya in Maleeshiyaadka Shiicada ah ee Xuuthiyiinta ay ku kaceen xad gudub ka dhan ah mid kamid ah masaajida ku yaalla gudaha dalkaas.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa albaabada isugu dhuftay mid kamid ah Masaajidda ku yaalla degmada Arxab oo katirsan magaalada Sancaa ee caasimadda dalka Yeman.

Arrinta ay uxireen masjidka ayaa ah mid ay dadku aad ula yaabeen, waxa ayna u sababeeyeen in Imaamka Masjidka uu jeediyay khudbad uu dhexdeeda ku yiri Allaha ka raali noqdo saxaabada.

Ila wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya, in Maleeshiyadu ay gudaha ugaleen Masjidka weyn ee ku yaalla degmada Arxab, maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay, iyaagoona intaasi kadib minbarka kasoo dajiyay khadiibka, kana hor istaagay inuu salaadda Jimcaha tujiyo dadka.

Wax ay intaasi ku dareen in Maleeshiyaadka ay imaamka ku qabsansadeen in uu khubbaddiisa kusoo daray inuu Allaah raali ahaansho uweydiiyo saxaabada Ridwaanullaahi Caleyhim, sida Abuubakar Cumar iyo Cuthmaan.

Maleeshiyaadka oo ubareeray tallaabadaan ayaa arrinkaan ku dhaqaaqay iyagoo fulinaya amar iyo towjiihaad horay uga soo baxay madaxa golaha sare ee siyaasadda ee Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, kuwaas oo ku aaddanaa in aan Allaah raali ahaansho loo weydiin karin Saxaabada Ridwaanullaahi Caleyhim.

Maleeshiyaadkaan Rawaafidda ah ayaa Khudabada masaajidda kusoo rogay iney aqriyaan khudbado ay bxineyso hey’adda waxa loogu yeero hanuuninta ee hoos tago wasaarad ku sheega Awqaafka ee Xuuthiyiinta, kuwaas oo ay ku gudbinayaan farrimahooda sumeysan, islamarkaana ku durayaan diinta islaamka.

Ila wareedyada ayaa intaas ku darayaa in Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay tuulooyinka qaar ka joojiyeen aadaanka aan lagu soo darin, ” حي على خير العمل ” iyagoona khudabada aan laazimeynin towjiihaadkooda ku badalaya kuwa kale oo iyaga gacan saar la leh, islamarkaana boorinaya in laga barbar dagaallamo Xuuthiyiinta Shiicada ah.

Maleeshiyaadkaan oo hoostaga xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa dhibaato aan lasoo koobi karin ku haya Muslimiinta Ahlu Sunnaha ah ee ku dhaqan dalka Yeman, iyagoo ugeysta xasuuq wadareedyo foolxun, burburinta masaajidda iyo barakacinta dadka Muslimiinta ah.

Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa marar badan fuliyay weeraro laayaan ah oo lagu xasuuqay maleeshiyaadkaan ka arradan diinta iyo qiyamka islaamiga ah, kuwaas oo lagu dilay boqallaal Maleeshiyaad ah laguna dhaawacay kuwa kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular