Madaxweynaha DF Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shalay safar ugu ambabaxay dalka Sucuudiga halkaasoo uu kula kulmay hogaamiyaha wadankaas Salmaan Binu Cabdilcaziiz.
Kulan uu la qaatay hogaamiyaha ayaa waxa ay uga hadleen arrimo dhowr ah oo ku aadan sida ay Sucuudigu uga faa’iideysan karaan kheyraadka wadanka iyo arrimo kale.
DF ayaa sheegtay in kulanka diiradda lagu saaray iskaashiga dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta, balse qaar kale oo kamid ah warbaahinta xog ogaalka ah ayaa laga soo xiganayaa in Xasan uu Salmaan ka dalbaday dhaqaale.
Wuxuu u sheegay in dowladdiisu ay wajahayso xasarado siyaasadeed oo uga yimid wax ka badalka dastuurka, dhanka kalana ciidmaadiisu ay ku wiiqmeen dagaaladii ay kol hore ka galeen gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Lama sheegin in dowladda Sucuudiga ay yabooh u sameysay Xasan iyo iney siisay lacag farasaar ah, balse sida caadada ah, haddii dhaqaale la siin lahaa Xasan ma aysan qariseen xukuumadda Riyaad oo warbaahinta ayay ka sheegi lahayd.
Xasan Sheekh ayaa wajahaya culeysyo siyaasadeed oo uga imaanaya maamulgoboleedyada iyo siyaasiyiin ay ku jiraan kuwa madaxweynayaal soo noqday, dhammaantoodna waxay kasoo hor jeedaan wax ka badalka uu dastuurka ku sameeyay.