Howlgal ay fuliyeen ciidamada katirsan Xarakada Alshabaab ayaa ka dhacay meel udhaw deegaanka Kaanbooni oo xad beenaadka Kenya dhaca.
Ciidamada Ayaa weerar qorshaysan ku qaaday xero ciidan oo maamulka Axmed Madoobe ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Meeri oo u dhaw deegaanka Kaambooni ee dhaca xad beenaadka.
Inta La xaqiijiyay Waxaa weerarkaasi ku dhintay 3 Askari oo Labo saraakiil tahay kuwaasi oo lagu kala magacaabo.
1-Cali Shakaal.
2-Saalax Muun oo horay usoo noqday Taliyaha saldhiga Jubbaland ee deegaanka Kudhaa.
Maamulka Jubbaland wali kama aysan hadlin weerarka kadiska ahaa ee lagu laayay Askartooda.