HomeAll newsXamsa oo Isbadal Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada Axmad Fiqi-na Ka Dhiga Wasiirka...

Xamsa oo Isbadal Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada Axmad Fiqi-na Ka Dhiga Wasiirka Dibadda.

Xamse Barre oo la kulmaya cadaadis siyaasadeed ayaa wax ka badal ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana uu buuxiyay wasaarado ay banneeyeen wasiiro katirsanaa Xukuumaddiisa oo muddo aan shaqeyn.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo bannaanayd islamarkaana uu lahaa Dani ayaa waxaa loo magacaabay Axmad Macallim Fiqi oo ahaa wasiirka Gudaha, waxaana wasiirka gudaha loo magacaabay nin la yiraahdo Cali Yuusuf (Cali Xoosh)

Wasaaradda Amniga oo bannaanayd islamarkaana wasiirkeedii uu si daran ugu dhaawacmay weerarkii Villa Roza ayaa waxaa loo magacaabay hogaamiye kooxeed hore Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Sidoo kale Xamsa ayaa u magacaabay wasiirka Tamarta iyo biyaha nin heysta dhalashada Mareykanka oo la yiraahdo Cabdullaahi Bidhaan Warsame, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Bii’ada iyo Cimilada.

Durbadiiba dhalliilo badan ayaa loo jeedinayaa Xamse Cabdi Barre oo ku aadan qaabka magacaabidda wasaaradahan taasoo sii kordhin karta khilaafka u dhaxeeya DF iyo maamulgoboleedyada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular