HomeAll newsWarsaxaafadeed: Al-Sahabab oo La Wareegay Saldhigga Degmada Balcad Kadib Weerar Culus.

Warsaxaafadeed: Al-Sahabab oo La Wareegay Saldhigga Degmada Balcad Kadib Weerar Culus.

Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka dagaal culus kula jarmaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan xarumaha ay ciidanka DF ka daggan yihiin magaalada oo uu saldhiggu ugu horreeyo.

Askarta DF ee saldhigga ayaa marka hore la kulmay dagaal dhowr jiho looga keenay in yar kadibna waa ay ka carareen waxaana sidaa kula wareegay milatariga Al-Shabaab.

Balse ciidanka DF ayaa doonayay iney isku soo uruursadaan xarun kale oo gabbaad leh laakin waxaa goobtii loogu geeyay weerar nafhurnimo ah oo aad u xoog badan, waana kan geystay khasaaraha ugu badan.

Bulshada ku dhaqan degmada Balcad ayaa sheegaya in ay maqleen qarax aaney horey u maqan dhawaqiisa oo aad u xooggan.

Taliska ciidamada XSHM ayaa dhankiisa warsaxaafadeed kasoo saaray dagaalka.

HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA

Warsaxaafadeedka Weerarka Saldhigga Balcad

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular