HomeAll newsWaa Maxay Sirta Ku Jirta Socdaalka Xasan Sheekh Ee Nairobi? (Warbixin)

Waa Maxay Sirta Ku Jirta Socdaalka Xasan Sheekh Ee Nairobi? (Warbixin)

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar degdeg ah oo aan horey loo sii shaacin ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya khamiistii shalay kadib markii uu hogaamiyaha dalkaas William Ruto ka helay casuumaad gaaban oo hal maalin ah.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Muqdisho ayaa saxaafadda u sheegay in Xasan Sheekh uu soo laaban doono marka uu soo dhameysto casuumaada isagoo sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadlo doonaan iskaashiga dhaqaalaha, horumarka, la dagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada oo loola jeedo dadka shareeco doonka ah.

Balse afhayeenku wuxuu ka gaabsaday inuu ka warramo tafaasiisha hoose ee socdaalka Xasan Sheekh iyo ujeedada loogu yeeray.

Xogo isdaba joog ah oo la helayo ayaa sheegaya in Ruto uu Xasan Sheekh ugu yeeray si uu ugala hadlo cabashada ganacsatada qaadka ee dalkiisa.

Todobaadkan, ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay iney sameeyeen shaqo joojon islamarkaana aysan wax qaad ah geyn doonin Muqdisho muddo todobaad ah, sababta waxay u sheegeen in lagu kordhiyay canshuurtii laga qaadi jiray.

Madaxweynaha Kenya oo arrintan ka jawaabaya kana damqanaya cabashada ganacsatadiisa ayaa degdeg ugu yeeray Xasan Sheekh, waxaana la filayaa in maanta ama berri ay si toos ah u billowdaan duulimaadyadii qaadka ee ka imaan jiray Kenya.

Qaadka ayaa ah sun halis ah oo ay Soomaaliya uga baxdo lacag malaayiin doolar ah waxaana muuqanaysa in uu sharciyad ka heysto Soomaaliya maadaama madaxda DF ay kusoo saxiixayaan Kenya in la keeno wadanka, walibana la dhimo canshuurta laga qaado.

Dhanka kale waxay siyaasiyiinta qaar sheegayaan in ay suuragal tahay in William Ruto uu Xasan Sheekh kala hadlo arrinta dakadda Seylac iskuna soo dhaweeyo Abiy Axmad. Abiy Axmad iyo Ruto, marka laga yimaado iney heystaan diinta Kiristanka waa laba nin oo saaxiibo dhow ah islamarkaana heysta madhabka Barotastanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular