HomeUncategorizedWaa Kuma Shekh Cabdil Majiid Az-Zandaani, Caalimkii Yamaniga Ahaa ee ku Geeriyooday...

Waa Kuma Shekh Cabdil Majiid Az-Zandaani, Caalimkii Yamaniga Ahaa ee ku Geeriyooday Dalka Turkiga?(Warbixin)

Allaah u naxriiste Sheekh Cabdil Majiid Az-Zandaani ayaa maalintii shalay oo Isniin ahayd waxaa uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Istanbuul ee Turkiga, halkaas oo uu ku xanuunsanayay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Mid kamid ah wiilasha uu sheekhu dhalay ayaa barta Twiterka ee haatan X loo yaqaano wuxuu kusoo daabacay qoraal kooban oo tacsi ah, waxaana markaas kadib baraha bulshada isqabsaday taczida ku aadan geerida caalimkan weyn ee Sheekh Cabdil Majiid Az-Zandaani.

Daacigan ayaa sanadkii 1942-dii ku dhashey tuullada Ad-Dahbi ee hoostagta degmada Ash-Shicir ee gooblka Ib ee dalka Yemen, laakiin asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa tuulada Zandaan oo hoostagta degmada Arxab oo kamid ah degmooyinka hoostaga magaalada caasimadda ah ee Sancaa.

Wuxuu leeyahay masiiro dheer oo isugu jirta faafinta cilmiga sharciga ah, difaaca qadaayaatka Muslimiinta, ka hortaga shubuhaatka mustashriqiinta, illaa ugu dambeyn uu geeriyooday isagoo ku taagan wadadaas.

Marka laga hadlayo takwiinkiisa cilmiga shacriga ah, wuxuu Quraanka iyo culuumta aasaasiga ah ku bartay halkii uu ku dhashey, isagoo markaa kadib u wareegtay magaalada Cadan, halkaas oo uu kaga biiray madaaristii nidaamiga ahaa.

Halkaan ka Dhageyso Warbixinta Geerida Sheekha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular