Magaalada Ankara ee wadanka Turkiga waxaa saacadihii lasoo dhaafay ku geeriyooday labo askari oo DF uga dhaawacmay weerarkii ay bishii Ramadaan Xarakada Al-Shabaab ku qaaday hotel SYL, iyadoo uu maalin ka hor isla dalkaas ku geeriyooday mid kamid ah taliyayaashii ciidanka DF oo isna dhaawac ahaa.
Taliyaha dhintay oo saameynta geeridiisa aad looga dareemay gudaha DF waxaa lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Maxamad Aadan (Aargute). Aargute ayaa waxa uu dhaawac daran kasoo gaaray weerarkii ka dhacay hotel SYL.
Maalmo ka hor geeridiisa waxaa jira qaar kamid ah saraakiisha iyo siyaasiyiinta DF oo Xasan Sheekh ku eedeynayay inuu dalka Turkiga u qaaday saraakiil iyo askar si musuqmaasuq iyo nin jecleysi ah, Taliye Aargute-na wuxuu kamid ahaa dadka la tuhmayay in sidaa lagu qaaday, maadaama ay jiraan dad dhaawac ah oo ku dacdarreysan Muqdisho oo aaney DF xaaladoodu waxba ka qaban.
Argute oo lagu dabiibayay isbital ku yaalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayay mar qura xaaladdiisu halis gashay kadib markii uu iska tuuray sariirtiisa iskuna dayay inuu ka boodo daaqadda qolkii uu jiifay sida laga soo xigtay dadkii la joogay.
Xilli uu hurdayay ayaa waxa uu kasoo salalay jiifka isagoo mooda inuu joogo hotel SYL islamarkaana ay xabbad kusoo ridayaan dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sidaasi waxaa laga soo xigtay dad ehelkiisa ah oo goob joog ahaa.
Goobta uu aasku ka dhacay waxaa joogay mas’uuliyiin DF ka tirsan oo aad u murugeysan, kuwaasoo awoodi waayay iney saxaafadda la hadlaan, balse badalkooda waxaa hadashay haweeney wafdiga qeyb ka ahayd.
Taliye Aargute ayaa dhanka kale ahaa nin fannaan ah oo ku luqeeya heesaha muusikada lagu laray, inta badanna wuxuu dhiira gelin jiray ciidamada, madaxda DF wuxuu ku maaweelin jiray heesihiisa.
Marka la eego muuqaalkiisa wuxuu ahaa nin da’da kontonaad ku jira, tan iyo markii uu Xasan Sheekh fariistay madaxtooyada, waxaa la arki jira isagoo xiran dharka ciidanka oo isku muujinaya inuu yahay nin sidii Juuj wama’juuj leefaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab!.
Horraantii bishii Ramadaan ayay ahayd markii rag ka tirsan guutada naftood hurayaasha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerareen hotel SYL oo kasoo horjeeda madaxtooyada, ayna degaansadaan dadka dabaqadda sare ah ee ka tirsan DF.