HomeUncategorizedSarkaal Katirsan DF oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Sarkaal Katirsan DF oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in sarkaal katirsan ciidamada DF, gaar ahaan kuwa Gorgor ee uu Turkigu soo taba bartay lagu dilay gudaha caasimadda.

Dilka sarkaalkaan katirsan ciidanka Gorgor ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay Ex-Koontarol Agfgooye ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa DF ayaa sarkaalkaan kala dagay gaari uu saarnaa, iyagoona daqiiqado kadib isla goobta ku toogtay.

Waxa uu ahaa madaxii hubka iyo rasaasta ee guutada 17aad ee ciidanka Gorgor ee uu Turkigu taba bartay.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabo C/Qaadir Muxayadiin Aadan ayaa waxa uu ahaa 2 xidigle katirsan ciidanka Gorgor.

Ehellada sarkaalka ayaa sheegay in saddax xabadood lagu dhuftay C/Qaadkr, iyadoona ay baxsadeen ciidankii dilka geystay.

Ninkaan ayaa wuxuu ku jiray saraakiil maalmo kahor uu Xasan sheekh Madaxweynaha DF ku dallacsiyay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, illaa iyo haddana lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysey dilkiisa.

Tani ayaa aheyn mid cusub ciidamada DF, oo waxaa marar badan ay dhexdooda iska dileen saraaliil iyo askar badan, iyagoo isku heysta manaafic adduun iyo waxyaabo aan micno laheyn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular