HomeAll newsSaraakiil katirsan Dowladda Imaaraadka oo Weli la xanuunsan Weerarkii Muqdisho.

Saraakiil katirsan Dowladda Imaaraadka oo Weli la xanuunsan Weerarkii Muqdisho.

Isbitaalka ay Militariga Imaaraadka Leeyiihin Ee Zayed ayaa waxaa wali ku jira oo lagu Daweynayaa saraakiil iyo ciidamo katirsan imaaraadka Carabta kuwaasi oo ku dhaawacmay Howlgalkii Muqdisho ka dhacay markay taariikhdu aheyd 29 Rajab 1445 H (10 Febraayo 2024)

Howlgalkaasi oo ka dhacay xerada Gordan ee Muqdidho oo imaaraadku ay ku tababarayeen ciidamada dowladda ayaa waxaa ku dhintay saraakiishii ugu sareysay dowladda imaaraadka ee faragalinta ku heysa Arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo dhibaatooyin ka geystay Soomaaliya iyo yaman.

Muxamed Bin Zayid oo ah madaxweynaha imaaraadka Carabta ayaa booqasho dhiira galin ah oo ay ku wehliyaan wasiiro iyo saraakiil katirsan dowaldda Miaaraadka waxa uu markale ugu tagay saraakiisha iyo ciidamada lagu daweynayo isbitaalka ay gacanta ku hayaan Milatariga.

Maamulka isbitaalka oo ka warbixinayay xaalada caafimaad ee saraakiisha ayaa sheegay inay la tacaalayaan xaaladooda caafimaad walina qaarkood aysan munaasab aheyn in laga saaro isbitaalka.

Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu laayay saraakiisha imaaraadka Carabta.

“Tirada hordhaca masuuliyiinta cadawga ee lagu dilay hawlgalka, inta aan ilaa hada xaqiijinay waa 17 sarkaal, kuwaas oo ay ku jiraan dhammaan saraakiishii Imaaraatka ee qaabilsanaa duullaanka Soomaaliya, gaar ahaan tallyihii ugu sareeyay hawlgalka Imaaraatka ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, taliyihii tababarada ciidamada, taliyihii sirdoonka iyo taliyihii saadka iyo gaadiidka”Ayaa lagu yiri bayaan ay xiligaasi soo saartay xarakada Alshabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular