Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro horleh oo ay ciidamada dowladda Ruushka ka fuliyeen gudaha dalka Ukraine, kuwaas oo lala beegsaday xarumo ganacsi iyo guryo ay dagan yihiin dad rayid ah.
Aroornimadii hore ee maanta oo Sabti ah waxay ciidamada Ruushka weerar ku qaadeen magaalada Kharkiev oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, halkaas oo ay ku dileen 2 ruux oo rayid ah, halka ay ku dhaawaceen 7 kale.
Warbaahintu waxay soo warinayaa in weerarku uu beegsaday dhisme ganacsi oo ku yaalla magaalada, waxaana dab xooggan uu ka kacay qeybo kamid ah xaruntaan ganacsi.
Sidoo kale weerarkaan oo sawaariikh loo adeegsaday ayaa waxa uu haleelay guri la dagan yahay oo ku yaalla tuulo dhanka woqooyi kaga beegan magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, illaa iyo haddana lama soo warin wax khasaare ah oo ka dhashay gantaalka ku dhacay guriga.
Magaalada Kharkiev ayaa ah hadafka koowaad ee ciidamada Ruushka, waxaana magaaladaan marar badan ka dhacay weeraro soo noqnoqday oo ay ciidamada Ruushka kusoo qaadeen.
Weerarkii kan ka horreeryay ee ay marti galiso magaalada ayaa waxaa loo adeegsaday diyaarado Drone ah, waxaana ku dhintay 4 ruux, halka ay ku burbureen dhismayaal la dagan yahay.
Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale maalintii shalay waxay Sawaariikh ku garaaceen magaalada Zaparojiya ee dhacda koonfurta dalka Ukraine, halkaas oo laga soo warinayo khasaare kala duwan.
Illaa 5 gantaal ayay ciidamada Ruushka ku garaaceen magaalada, waxaana ku dhintay ugu yaraan 4 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, waxaana intaa dheer burbur soo gaaray xarumo warshadeed iyo dhismayaal la dagan yahay.
Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa kamid ah, 2 saxafiyiin ah oo tabin toos ah ku jiray xilligii ay duqeyntu dhaceysay, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Dagaalka udhexeeya Ruushka iyo Ukraine oo umuuqda mid sii daba dheeraaday ayaanan jirin illaa iyo hadda wax xal ama rajo ah oo laga qabo in lagu soo afjaro colaaddaan, taas badalkeeda waxaa wali isku biro tumanaya reer-galbeedka oo dhinac ah iyo Ruushka oo daanta kale taagan, kuwaas oo miba ku taamayo inuu ka guuleysan doono darafka kale.