HomeAll newsQarax Khasaare Dhaliyay oo Askarta Xukuumadda Maali Lagula Beegsaday Gudaha Dalkaas.(Sawirro)

Qarax Khasaare Dhaliyay oo Askarta Xukuumadda Maali Lagula Beegsaday Gudaha Dalkaas.(Sawirro)

Dalka Maali ee dhaca galbeedka qaaradda Africa waxaa wali si dar dar leh kaga soconaya weerarada kala duwan ee ay fulinayaan Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin.

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Maali ayaa ku waramaya in weerar qarax ah lala beegsaday kolonyo ciidamo ah oo katirsan xukuumadda Maali kuwaas oo ku socdaalayay qeybo kamid ah dalkaas.

Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay inta udhexeysa degaannada Marja iyo Kaaloomba ee gudaha dalka Maaali.

War kooban oo kasoo baxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin islamarkaana ay baahisay Mu’assasada Az-Zallaaqah, ayaa lagu sheegay in weerarkaan lagu burburiyay gaari ciidan oo ay wateen askarta xukuumadda Maali.

Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa baaahisay sawirro laga soo qaaday haraadiga gaariga uu qaraxu haleelay, kuwaas oo muujinaya in khasaare baaxad le uu ka dhashay weerarkaan.

Weerarkaan cusub ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan oo ka dhacay dalka Maali, laguna beegsaday askarta xukuumadda dalkaas lagu dilay ugu yaraan 9 askari.

Hoos ka Daawo Sawirrada Haraadiga Gaariga Burburay

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular