Nin kamid ah dhallinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Garowe ku dilay askari ka tirsan ciidanka maamulka Puntland.
Askariga oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xakiin Fiqi ayaa kamid ahaa ciidan loo xil saaray iney lacago dheeraad ah kasoo guraan suuqa magaalada, waxaana ay isku dhaceen dad badan oo uu Bajaajluhu kamid ahaa.
Sida ay soo sheegayaan wariyaasha askariga ayaa weydiiyay darawalka mootada inuu bixiyo lacago uu ku sheegay canshuur, hase ahaatee askariga ayaa ka dhaga adeygay arrintaas maadaama hore looga qaaday canshuurti joogtada ahayd.
Intaa kadib askarigii ayaa u awood sheegtay darawalka isagoo xoog uga qaaday mootadiisii, taasina waxay keentay in Bajaajluhu uu dilo askariga.
Saraakiisha magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegay iney saacado baadigoobayeen darawalka dilka geystay ugu dambeyntiina ay ku guuleysteen iney gacanta kusoo dhigaan.
Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii laba nin oo iyaguna ku shaqeysanayay Bajaaj ay ciidamada DF ku dileen Muqdisho iyo degaanka Ceelasha biyaha.