HomeAll newsMaxaa U Sabab Ah Fashilka Kulanka Xasan & Shariif Ee Nairobi?.

Maxaa U Sabab Ah Fashilka Kulanka Xasan & Shariif Ee Nairobi?.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay kulan lagu wadahadashiinayay Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmad kaasoo ay soo qabanqaabiyeen siyaasiyiin kala duwan.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxay labada dhinac ku gorfeeyeen is maan-dhaafka ka dhex jira, ugu dambeyntiina wuxuu kusoo dhammaaday natiijo la’aan.

Shariif Sheekh Axmad oo madaxweyne kasoo noqday dowladdii KMG ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu fashil ku dhamaaday kulanka isagoo arrintaa sababteeda dusha ka saaray Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in isaga iyo Xasan ay ka wada hadleen sadax qodob oo kala ah:

Arrimaha Dastuurka
Arrimaha masiirka DF
Iyo khilaafka maamulka Puntland iyo DF.

Shariif ayaa tilmaamay in dhammaan qodobadaas ay xal ka gaari waayeen isaga iyo Xasan Sheekh.

Xasan ayaa lagu eedeynayaa inuu yahay nin kaligii cune iyo kali taliye ah taasna waa midda keeneysa inuu mucaarado xooggan kala kulmo siyaasiyiin qaarkood madaxweynahaal soo noqday.

Waxaa kale oo jirta in labada dhinac ee uu khilaafka ka dhaxeeyo ay kala taagan yihiin laba jiro oo kala fog, mana jiro mid awood u leh inuu qodob ka tanasulo, waayo waxaa go’aanka la leh dowlado shisheeye.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular