Warbixin hore oo aan ku eegeynay socdaalka Xasan Sheekh ee Kenya ayaa waxaan ku sheegnay in isaga iyo William Ruto ay ka wada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin qaadka la keeno Soomaaliya iyo ololaha Itoobiya ay ku qabsanayso Badda Soomaaliya.
24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa aad isku soo tarayay in Ruto uu Xasan kala hadlay arrinta badda, una soo bandhigay wax aan u cuntamin ummadda Soomaaliyeed oo ah in Itoobiya degaan iyo saldhig laga siiyo xeebaha Soomaaliya qeybo kamid ah.
Ruto oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya waxaa qorshahan usoo wakiisha diblumaasiyiin Ingiriis ah iyo madaxda Itoobiya. Xasan Sheekh ayaa waxa uu usoo bandhigay xeelad ah in uu isagu Itoobiya la galo heshiis uu ku siinayo qeybo kamid ah Badda Soomaaliya.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo laga leeyahay wadanka Ingiriiska ayaa laga soo xigtay in Kenya ay Xasan Sheekh ka dhaadhicisay in heshiiska cusub ee Badda uu meesha ka saari doono baahisa Itoobiya ku kalliftay in ay Somaliland bad weydiisato taasoo sidoo kale meesha ka saareysa baa loogu sheegay xiisadda ka dhaxaysa Itoobiya iyo DF.
Reuters ayaa intaa ku dartay in mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya uu u sheegay in Kenya ay dalbatay arrin kale oo dhagar weyn wata oo ah in wadamada IGAD ay wada galaan heshiis dhanka badda ah, si meesha looga saaro madmadowga ka dhaxeeya DF iyo Itoobiya.
Xasan Sheekh ayaa loo sheegay in Itoobiya ay jaangoyn ku leedahay masiirka Soomaaliya iyadoo la eegayo ciidamada ka jooga Soomaaliya, waxaana xoguhu ay sheegayaan in Xasan Sheekh uu farriimahan la dhacay, waxaana la arkayay markii ay kala tagayeen William Ruto isagoo aad u qoslaya.
Hadalkan ayaa durbadiiba dareen ku dhaliyay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda isticmaala baraha bulsahda, hase ahaatee DF oo ka baqeysa in dadku ku kacdoomaan ayaa beenisay arrimahaas, si lamid ah sidii ay u beenin jirtay dhacdooyinkan oo kale.
Daa’uud Aweys oo ah Wasiirka warfaafinta DF oo heysta dhalashada wadanka Kenya ayaa beeniyay in warka ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Reuters, wuxuuna sheegay in haba yaraatee aanan laga wada hadal wax ku saabsan badda Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee DF Cali Cumar (Cali Balcad) beeniyay in Xasan iyo Ruto ay isla garteen in bad lasiiyo Itoobiya: “Wararka ku saabsan heshiiska badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.” ayuu bartiisa rasmiga ah ee Twitter kusoo qoray Cali Balcad.
Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay in Itoobiya uusan bad u diidanayn lana rabo in ay helaan dakado iyo saldhigyo dhanka biyaha Soomaaliya ah, balse uu ka xanaaqay dariiqa uu Abiy Axmad Arrintaas u qaaday oo ah dhanka maamulka Somaliland.