Dowladda Itoobiya ayaa xeelad walba u adeegsanaysa sidii ay ku qabsan lahayd Badda Soomaaliya oo ay muddo qarniyo ah ku taameysay iney mar uun saldhigato islamarkaana noqoto awooda diineed ee reergalbeedka ku matasha geeska iyo bariga Afrika.
Peninah Malonza oo ah xoghayaha guud ee EAC ama ururka la baxay “Dalladda Bulshada Bariga Afrika” ayaa sheegtay in Itoobiya ay dhawaan kusoo biiri doonto dalladda oo muhiim u aragto xilligan.
Dowladda Itoobiya ayaa la sheegayaa in sannadkii ugu dambeeyay ay billowday ololaha ku biiritaanka ururka, halka DF ay codsanaysay tan iyo sannadkii 2012, ugu dambeynna sannadkii lasoo dhaafay laga aqbalay.
Tallaabooyinka degdegga ah ee ay Adisababa ku dooneyso iney kaga mid noqoto dalladda EAC ayaa ah sidii ay ku heli lahayd Badda Soomaaliya, waxaana u sahlli kara sid aay aaminsan tahay dastuurka u qoran dalladda oo dowladaha xubnaha ka ah u fasaxaya iney wax walba wadaagaan.
Waa Maxay Qodobada Halista Ah
Ururkan oo la aasaasay todobaatameeyadii ayaa waxaa dhistay dowladaha Kenya, Uganda iyo Tanzaniya kadib talo soo jeedin ay ka heleen khubarro reergalbeed ah oo kula taliyay iney sameeyaan dallad ay ku mideysan yihiin wadamada Kiristanka ah ee Bariga Afrika.
Ururka hadda waxaa ku mideysan 8 dowladood oo kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, Koonfurta Sudan, DR Congo iyo DF oo dhowr bilood ka hor kamid noqotay, haddii ay Itoobiya ku biirtana waxay noqoneysaa dowladdii sagaalaad.
Wadamada ururka ku jira waxay u badan yihiin kuwa xiran ee aan badda lahayn, waxaana jirta mid kamid ah ahdaafta ugu waaweyn ee loo dhisay ay ahyad in wadamada Badda leh ay caawiyaan kuwa ay diimaha wadaagaan ee aan badda lahayn.
EAC wuxuu leeyahay dhardhaarro awoodeed oo sadax qeybood ka kooban kuwaasoo kala ah: Maxkamadaha sare ee ururka, Wasiirada ururka, iyo madaxweynayaasha.
Waxay qeybahaasi go’aaminayaan sida uu noqonayo ganacsiga wadan walba oo xubin ka ah dalladda, iyaga ayaa jaana goynaya dowlad walba dalka ay xiriirka ganacsi la sameeneyso iyo midka ay xiriirka u jareyso.
Haddii dowladda Itoobiya ay ku biirto ururka waxay fursad u heleysaa in DF aysan marnaba xiriirka u jari karin wax walba oo dhex mara, sidaana waxaa ku lumaya qeyb muhiim ah oo kamid ah madaxbannaanida Soomaaliya.
Arrinta kale ee halista ku ah Soomaaliya, Itoobiyana faa’iidada u ah waxay tahay in dastuurka ururka uu qorayo shucuubta dowladaha ku jira dalladda inay isdhex geli karaan oo ay isku socdaali karaan fiiso la’aan.
Mar haddii ay sidaa tahay, Itoobiya iyo wadamada kale ee ay taariikhda cadaawadeed kala dhaxayso Soomaaliya sida Kenya waxaa u suura galaya iney dalka soo galiyaan malaayiin qof, mana ka doodi karto DF maxaa yeelay iyada ayaa ku biirtay EAC kuna qanacday dastuurkooda.
Abiy Axmad wuxuu ururka ka arkay fursad kale oo uu kor ugu qaadi karo dhaqaalaha wadankiisa isagoo eegaya qodob ku jira sharciga ururka oo dhigaya in dowladaha xubnaha ka ah dalladda aysan is canshuuri karin.
Itoobiya waxay aad u sameysaa khamriga, xashiishkana si tirabeel ah ayay u beertaa, waxaana uu qodobkaas u saamixi doonaa iney wadanka Soomaaliya soo galiso nooc kasta oo kamid ah maan-badalayaasha, magaalooyinka ay saameynta ku leedahayna ka furato carwooyin lagu iibiyo waxyaabahaaas.
Sidoo kale Xabashida iyo dowaldaha lamidka ah waxay awood u yeelan doonaan iney wadanka keenaan dalagga kasoo go’a beerahooda, qaadka iyo nooc walba oo kamid ah wax soo saarkooda, waxaana halkaa ku baabi’ya ganacsiga, waxsoosaarka iyo dhaqaalaha wadankeena.
Haddii ay Itoobiya ku biirto EAC waxaa dhici doonta in ay saldhigato badda Soomaaliya iyadoo dhanka DF iyo EAC sharciyad been ah ka heleysa, waayo dalladdu waxay fasaxaysaa in dakadaha la isla istcmaali karo, dowlad walbana ay xaq u leedahay iney ka kalluumeysato badda ay doonto.
Waxaa muuqata maadaama diblumaasiyad ahaan ay Itoobiya ka qajileyso iney ciidamo keento xeebaha Soomaaliya, iney markan dooneyso isticmaalka wadiiqadan cusub oo sharciyad u siineysa iney liqdo gabi ahaanba Soomaaliya.
Saadaashu waxay sheegeysaa in DF ay sacabo furan kusoo dhaweyn doonto haddii ay Itoobiya si rasmi ah ugu biirto ururka, waayo Xasan Sheekh ayaa marar badan fagaarayaasha ka sheegay in Itoobiya aysan u diideyn badda Soomaaliya, walibana ay siinayaan dakado badan, haddii ay hesho dariiqo sax ah oo ay soo marto.
Caalamka dowladaha ka jira marka ay khiyaanooyinkan oo kale arkaan ama ay caqabad la kulmaan waxay ku dhawaaqaan iney ka baxeen ururka, waxaana dowladaha sidaa sameeyay kamid ah Ingiriiska oo ka baxay ururka Midowga Yurub iyo Gariigga oo ka baxay dallad uu kula jiray Jarmalka.