HomeAll newsMareykanka & Ingariiska oo Duqeymo Khasaare Dhaliyay ka Fuliyay Dalka Yeman.

Mareykanka & Ingariiska oo Duqeymo Khasaare Dhaliyay ka Fuliyay Dalka Yeman.

Mar kale waxaa dalka Yeman ee dhaca dhulka Jaziiratul Carab laga soo warinayaa duqeymo xooggan oo ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee dowladaha Mareykanka iyo Ingariiska, kuwaas oo khasaare dhaliyay.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee maamula qeybo kamid ah dalka Yeman ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeymahaan cusub ee ay diyaaradaha labadaan dowladood ka geysteen gudaha dalka Yeman, si gaar ah galbeedka dalkaas.

Duqeymaha oo dhacay maalintii shalay oo Isniin aheyd ayay kooxdu sheegtay inuu ku dhaawacmay 1 ruux oo rayid ah, kuwaas oo ay si wada jir ah ufuliyeen diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Ingariiska, islamarkaana ka dhacay xaafado kamid ah magaalo xeebeedka Al-Xudeydah ee bariga galbeed ee dalka Yeman.

“Diyaaradaha cadowga ee Mareykanka iyo Ingariiska ayaa duqeymo ka geystay xaafad katirsan magaalada Al-Xudeydah, waxa ay halkaasi dhaawac culus ugu geysteen hal ruux, iyagoona gabi ahaanba burburiyay gurigiisa” sidaasi waxaa lagu yiri war uu baahiyay kanaalka Al-Masiira ee taabacsan Maleehsiyaadka Xuuthiyiinta, mana bixin tafaasiil dheeraad ah.

Illaa iyo hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee lagu eedeeyay duqeymaha ee kala ah Mareykanka iyo Ingariiska, kaas oo ku aaddan duqeymaha la sheegay iney ka geysteen galbeedka dalka Yeman.

Magaalada Al-Xudeydah ayaa lagu tiriyaa iney kamid tahay magaalooyinka ugu muhiimsan ee dalka Yeman, maadaama ay leeyahay garoon dowli ah iyo 3 dekado oo muhiim ah, taas oo ay sii dheertahay iney ku teedsan tahay xeeb dheer.

Tani ayaa magaalada ka dhigtay iney ku loollamaan dhinacyada kala duwan ee isku haya talada dalka Yeman, mid walbana uu u’arko iney tahay magaalo istaraatiiji ah, uuna ku dadaalayo inuu isago u madax banaanaado.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Mareykanku ku dhawaaqay isbaheysi caalami ah oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta waxaa dalka Yeman ka dhacay duqeymo ay si wada jir ah ufulinayaan Mareykanka iyo Ingariiska, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Hadafka loo sameeyay taxaalufkaan ayaa ahaa in la joojiyo ama ugu yaraan la yareeyo weerarada ay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ka geysanayaan xeebaha Badda Cas, kuwaas oo ay ku beegsanayaan Maraakiibta isticmaasha xeebahaas, balse waxaa halkooda kasii socda weerarada Xuuthiyiinta, kuwaas oo wali halis galinaya maraakiibta isticmaasha Badda Cas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular