Madaxweynaha DF oo ay nugleeyeen khilaafaadyada iyo mucaaradada uu kala kulmayo madaxda maamulgoboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa haatan wada isku day uu ku doonayo inuu kusoo dhaweysto inta badan madaxda maamulgoboleedyada.
Xildhibaan ka tirsan DF oo lagu magacaabo Cabdullaahi Kulane, xilligii Farmaajana ahaa taliye kuxigeenka sirdoonka ayaa soo daabacay qoraal uu ku sheegayo qorshaha Xasan.
Kulane Jiis waxa uu tilmaamay in Xasan Sheekh uu damacsan yahay inuu madaxda maamulgoboleedyada oo uu intooda badan waqtigii ka dhammaaday uu u sameeyo muddo kordhin ku eg sannadka 2026, si ay mucaaradka uga daayaan.
Laakin qorshahan ayaa dhanka kale sii fogeyn kara siyaasiyiinta kursiga eeganaya oo isugu jira kuwa uu ka ritay kudhawaad laba sano ka hor iyo qaar ay isku saf ahaayeen oo uu ballamaha uga baxay.