Ugu yaraan 2 diyaaradood oo nuuca Helicopterska ah islamarkaana ay leeyihiin ciidaanka difaaca xukuumadda Japan ayaa lasoo warinayaa iney burbureen xeebaha dalkaas, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.
Mid kamid ah shaqaalaha diyaaradahaas ayaa la helay isagoo meyd ah, halka illaa iyo iminka nolol iyo geeri toona lagu la’ayahay 7 xubnood oo kale oo la socday diyaaradaha burburay.
Wasiirka difaaca ee xukuumadda Japan oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaca kaa qaaday, in labada diyaaradood ay ka qeyb qaadanayeen tababar ay ciidanku sameynayeen xilli habeen ah.
Waxa uu intaa ku daray in aan illaa iyo hadda si rasmi ah loo ogeyn sababta ka dambeysa burburka diyaaradaha, qolyaha gurmadkana ay wadaan baadi goobka dadka maqan, ayna heleen burbur labada helicopter.
Labadan diyaaradood ee Helicopters-ka ah ayaa ku burburay jasiiradda Izu ee badweynta Baasifigga, sida ay sheegtay warbaahinta Japan ee NHK.
Sannad ka hor, diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaano Helicopterta ayaa ku burburtay xeebaha koonfur-galbeed ee Japan, waxaana shilkaasi ku dhintay dhmmaan dadkii saarnaa diyaaradda oo ay tiradoodu aheyd 10 ruux.