HomeAll newsJufada Aybakar Gaab Ee Wacaysle oo Kasoo Horjeesatay Maamulka Xasan Sheekh U...

Jufada Aybakar Gaab Ee Wacaysle oo Kasoo Horjeesatay Maamulka Xasan Sheekh U Sameynayo Ceeldheer.

Degmada Ceeldheer oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa maamulkeeda ku loollamaya siyaasiyiin aad ugu dhow Xasan Sheekh kuwaasoo billaabay iney jilib-jilib u kala furfurmaan, iskuna qoomaan.

Siyaasiyiin awoodi waayay iney tagaan Ceeldheer ayaa dhanka kale hurinaya colaado beeleedyo oo waliba dhex mara dad aad isugu dhow oo ehel ah iyadoo la ogyahay in mudo ka badan 10 sano oo ay Al-Shabaab maamulayeen Ceeldheer aanu dagaal qabiil ka dhicin.

Odayaal dhaqan oo kasoo jeeda jufada Aybakar Gaab oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay iney kasoo horjeedaan maamulka uu Xasan Sheekh doonayo inuu u sameeyo Ceeldheer, kaasoo sida ay sheegeen uu dad gaar ah la rabo.

Xasan Sheekh ayaa markii uu xilka qabanayay halkudheg ka dhigtay Soomaali heshiis ah caalamkana heshiis la ah, waxaana hadda muuqanaya oo lagu eedeynayaa inuu jilib-jilib hoose isugu dirayo beesha uu ka dhashay ee Wacaysle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular